Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo qalab caafimaad gaarsiisay Gaalkacyo Iyo Afmadow

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyiin ka socota wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa qalab caafimaad iyo dawooyin gaarsiiyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug iyo magaalada Afmadow ee Jubaland si sare loogu qaado dadaallada la tacaalidda xanuunka COVID-19.

Qalabka caafimaad ee la geeyay magaalada Gaalkacyo oo lagu wareejiyay mas’uuliyiin ka socota Puntiland iyo Galmudug, ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda federaalku ay waddo ee kahor tagga iyo xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona ee dhibaatada badan ku haya. Dad ku nool magaalada Gaalkacyo labadeeda dhinac ayaa laga soo qaaday dhacaanno shaybaarka qaranka lagu marsiiyo baaritaan dhanka COVID19 ah.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka iyo dhaqaatiirta safka hore uga jira la tacaalidda xanuunka COVID19 ayaa sidoo kale tababar siiyay dhaqaatiirta ka shaqeynaya kahor tagga Feyruska Karoona ee sugan magaalada labadeeda dhinac ee Galmudug iyo Puntiland.

Sidoo kale mas’uuliyiin kale oo ka socda wasaaradda caafimaadka oo qalab iyo dawo geeyay magaalada Afmadow ee dowlad gobaleedka Juballand ayaa dhacaanno ka soo qaaday qaar kamid ah bulshada ku nool magaalada si iyana baaritaanno loogu marsiiyo Sheybaarka Qaranka.

Mas’uuliyiinta lagu wareejiyay qalabka caafimaad ee lagula tacaalayo COVID19 ayaa dowladda federaalka uga mahad celiyay dawada iyo qalabka caafimaad ee qaybta ka ah qorshaha xakameynta Feyruska Karoona.

Howl-wadeennada farsamo ee magaalooyinka dalka geeyay taageerada xukuumaddu ku xoojineysay awoodda xakameynta Feyruska Karoona ayaa sidoo kale socdaalkoodu salka ku hayay inay Qiimeyn ku sameeyaan xaaladda guud iyo xarumaha loo qorsheeyay in dadka lagula tacaalo, si loo ogaado baahida jirta, looguna qorsheeyo taageerada dheeraadka ah ee ay u baahanyihiin.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this