Sign in to follow this  
Deeq A.

Cudurka Coronavirus oo ku sii faafayo deegaanada Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad goboleedka Jubbaland oo faah-faahisay kiisas la xiriira cudurka Coronavirus ee laga helay maamulkaas ayaa sheegtay inuu cudurka ku faafayo deegaanadeeda.

Wasiirka caafimaadka Jubbaland, ahna guddoomiyaha guddiga ka hortagga cudurka Covid-19, Mursal Maxamed Khaliif ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay la baaray 74 ruux balse ay diiwaan-geliyeen 34 xaaladood oo la xiriira cudurka Corovid-19.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in cudurka uu haatan ku sii faafayo deegaanada Jubbaland, isagoo ugu baaqay dadka shacabka ah inay qaataan talooyinka caafimaadka.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Cod-wasiirka-caafimaadka-jubaland-.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this