Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump oo cabsi laga qabo dibadbaxayaasha darteed dhufeys loo galiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in madaxwayne Donold Trump loola cararay Jimcihii qol dhufays ah oo dhulka hoose ee aqalka cad ku yaalla si uu gabaad uga dhigto ka dib walaac ku aadanaa halis ka imanaysay dibadbaxayaal mudaaharaad ka dhigayay afaafka hore ee dhismaha aqalka cad.

Wararka ayaa sheegaya in Mr Trump uu goobtaasi gabaadka ah ku sugnaa oo kali ah muudo hal saac ah.

Madaxwaynaha ayaa dhowr qoraal soo dhigay barta Tweetarka isaga oo eedeeyn u soo soo jeediyay dadka ay siyaasada isku hayaan.

Waxaa uu kooxaha garabka bidix ku eedeeyay in ay hurinayaan rabshadaha ka socda dalka Mareykanka.

Booliiska ku sugan goobaha ku xeeran aqalka cad ee ku yaalla magaalada Washington ayaa suntan dadka ka ilmaysiisa u isticmaalay dibadbaxayaal tuurayay dhagxaan.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa horey ugu ammaanay ilaaladiisa qaabka ay ula tacaaleen dadkii Jimcihii ku hor mudaaharadaayay Aqalka Cad , dadkaas oo ka careysnaa dilka nin madow ah oo aan hubeysneyn oo uu askeri ka tirsan booliska ku dilay magaalada Minneapolis. Aqalka Cad ayaa si ku meel gaar ah loo xiray Jimcihii markii dibadbaxayaal carreysan ay soo hor dhoobteen. Ilaalada madaxweynaha ayaa xiray albaabada laga gala iyo kuwa laga baxa ee Aqalka Cad.

Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay n dibadaxayaasha haddii ay isku dayaan inay soo galaan “laga horkeeni doono eeyo arxan daran iyo hubka ugu xumaa ee aan abidkey arkay”

Ku dhawaad 40 magaalo ayaa Bandow lagu soo rogay, balse dibadbaxayaal badan ayaa bandowga iska indha-tiray taasi oo keentay in booliiska ay isku dhacaan.

Geeridii George Floyd ayaa waxaa dhashay dibadbaxyo guud ahaan dalka Mareykanka, iyada oo ay dibadbaxayaasha ay ku baaqayaan in la soo afjaro dhibaatooyiinka ay booliika geystaan.

Mr Floyd ayaa ahaa nin madow ah oo aan hubeysnayn islamarkana askari ka tirsan booliiska uu luqunta in ka badan 8 daqiiqo jilibka kaga hayay isaga oo ku qaaylinayay”ma neefsan karo”.

Isniintii , ayaa askari lagu magacaabo Derek Chauvin uu jilibka dhulka kula nabay isaga oo lagu eedeeynayo in uu goob dukaan ah uu wax uga iibsanayay 20 doolar oo been abuur ah.

Derek Chauvin ayaa xabsiga loo taxaabay, islamarkana lagu soo oogay dacwad ah in uu dil gaystay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this