Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo Dhaqdhaqaaqyo Ciidan Ka Wado Tukaraq.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka saaka ka imaanaya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay halkaasi dhaq dhaqaaqyo kala duwan ka wadaa, waxaana meel deegaanka u dhow fariisin ku leh ciidamada Puntland.

Dad ku sugan degaanka Tukaraq ayaa soo sheegaya in ciidamada Somaliland ay saaka wadaan dhaq dhaqaaqyo aysan horay u samayn jirin islamarkaana ay isku fidiyeen fariisimo  horleh oo ku yaalla degaankaas Tukaraq.
Deegaan ayaa waxaa dhowr waxaa ka dhacay dagaallo u dhaxeeyey Somaliland iyo Puntland oo  qolo weliba ay sheegato deegaanka in iyado leedahay waxaana ka dhashay khaasare badan oo labada dhinaca mudadaas.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this