Deeq A. Posted June 1, 2020 Muqdisho (Caasimada Online) – Askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay wiil dhalinyaro ahaa ay ku dileen suuqa ganacsiga Siinaay ee ku yaalla bartamaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Narxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Abuukar Tuuryare, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo ku sugnaa isgoyska Siinaay iyo wiilka dhalinyarada ah uu soo kala dhex-galay muran, kadib markii la sheegay inay ka shakiyeen, iyadoo muran kadibna ay toogteen Allaha u naxariistee Marxuum Tuuryare. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo kale oo ka agdhawaa goobta uu dilku ka dhacay, iyadoona markii dambe meydka laga qaaday halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo laamaha amniga ay ka bixiyeen dhacdadaasi, mana cada in gacanta lagu dhigay askartii ka dambeysay falkaasi. Inta badan ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa geysta dilal ka dhan ah dadka shacabka ah, iyadoo aysan jirin cid wax iska weydiisa dhibaatooyinkaasi. Share this post Link to post Share on other sites