Sign in to follow this  
Deeq A.

SOMALILAND oo dhaq-dhaqaaqyo cusub saaka ka bilowday Tukaraq

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka ciidamada Somaliland dhaq-dhaqaaqyo hor leh ay ka bilaabeen deegaanka Tukaraq oo ay muddo isku hordhiyaan ciidamada Puntland.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada Somaliland ay isku fidiyeen qeybo badan oo ka mid ah deegaankaasi, iyaga oo wata gaadiidka dagaalka.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa inay haatan wadaan dhaq-dhaqaaqyo aysan horey u samneyn jirin, sida ay soo wariyeen dadka aan la hadalnay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, iyadoona laga cabsi qabo in markale dagaallo ay dib uga qarxaan halkaasi.

Lama oga illaa iyo hadda waxaa ku soo beegay dhaq-dhaqaaqyadaan milatari, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac.

Somaliland iyo Puntland ayaa marar badan ku dagaalamay aaga dhinac Tukaray, iyaga oo isku haya gacan ku heynta deegaankaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this