Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadda degaanka Tukaraq

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay halkaasi dhaq dhaqaaqyo kala duwan ka wadaa saaka oo Isniin ah.

Dad ku sugan degaanka Tukaraq ayaa soo sheegaya in ciidamada Somaliland ay saaka wadaan dhaq dhaqaaqyo aysan horay u samayn jirin islamarkaana ay isku fidiyeen fariisimo  horleh oo ku yaalla degaankaas.

Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in ciidamada Somaliland ay kala beddeleen hubka iyo gaadiidka dagaalka ee yaalla fariisimaha jiidda Tukaraq inkastoo aan la ogayn sababta keentay dhaqdhaqaaqyadaas.

Puntland iyo Somaliland ayaa horay marar kala duwan ku dagaallamay degaanka Tukaraq balse muddooyinkii u dambeeyay waxaa labada dhinac ka dhexeeyay xiriir wanaagsan oo ku salaysan wada- shaqaynta dhinaca Amniga.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadda degaanka Tukaraq appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this