Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ee rabshadaha Mareykanka ka socda (Daawo Sawirrada)

Recommended Posts

Deeq A.   

Minneapolis (Caasimada Online) – Rabashadaha ka socda Mareykanka ayaa galay habeenkii lixaad, kuwaas oo ka dhashay dilka George Floyd, oo ahaa nin madow ah oo ku dhintay gacanta askari caddaan ah oo ka tirsanaa booliska magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Dibad-baxyada oo si nabdoon uga billowday magaalooyinka mataanaha (Twin Cities) ee Minneapolis iyo St.Paul ayaa isku beddelay rabshado ayada oo ay isku dhaceen booliska iyo dibad-baxayaasha, kuwaas oo kusii faafay magaalooyin badan oo ka mid ah dalka.

Saraha qaarkood ayaa la gubay, waxaana la bililiqeystay dukaamada qaar, taas oo horseedday in lasoo kiciyo ciidamada militariga ee loo yaqaan National Guard.

Booliska ayaa ku dhowaad 3,000 oo qof ku xiray in ka badan 20 magaalo oo ku yaalla Mareykanka, waxaana dadka badankood ama 25% lagu xiray magaalada Los Angeles. Eedeymahda dadka loo haysto waxaa ka mid ah inay jebiyeen Bandow lasoo rogay, burcadnimo iyo waxyeeleyn hanti.

Gobolka Arizona ayaa soo rogay bandow saameynaya guud ahaan gobolka, sida uu ku dhowaaqay barsaab Doug Ducey, si la mid ah magaaloyin badan. 26 gobol iyo caasimadda Washington ayaa laga howlgeliyey ciidamada militariga ee National Guard.

Xeer-ilaaliye Benjamin Crump oo matalaya qoyska George Floyd ayaa Axaddii cambaareeyey ficillada rabashadda leh ee dibad-baxayaaha qaar, hase yeeshee wuxuu yiri “Dadka xukunka haya waa inay ogaadaan in dabkan aysan shidin dibad-baxayaasha balse ay huriyeen booliska arxanka darran, waxa kaliya ee damin karana waa la xisaabtanka booliska iyo caddaalad loo siman yahay.”

Qaar ka mid ah xulufada madaxweyne Trump ayaa ku boorinaya inuu qaranka kala hadlo xiisadda sii kordheysa. Ninka Trump kula loolamaya madaxweynenimada ee Joe Biden, ayaa soo saaray qoraal uu ku taageerayo dibad-baxayaasha, balse wuxuu cambaareeyey ficillada rabshadaha wata.

Saraakiil xilal horey usoo qabtay iyo kuwa hadda haya ayaa sidoo kale ka digaya in dibad-baxyada ay horseedi karaaan mowjado cusub oo fiditaanka cudurka coronavirus ah.

 Hoos ka daawo sawirradii ugu dambeeyey ee rabshadaha

29048986-8374191-image-a-83_159095613397 29049076-8374191-Washington_DC_A_cyclist 29045630-8374191-Washington_DC_Protester 29049064-8374191-Washington_DC_By_Sunday 29042010-8374191-Atlanta_Georgia_Violent 29046226-8374191-Minneapolis_Minnesota_B 29046228-8374191-Minneapolis_Minnesota_A 29046218-8374191-San_Francisco_Photos_sh 29045594-8374191-In_New_York_City_banks_

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this