Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: G/Banaadir oo matalaad ku yeelan doono Golaha Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga wadajirka ee diyaarinta xeerarka dhammeystirka sharciga doorashooyinka qaranka ee BFS ayaa maanta kulankoodii soo gabagabeeyey, waxayna warbixintooda ku saabsan afarta xeer ee loo xil-saaray u gudbin doonnaan guddoonka labada Aqal.

Xubnaha guddiga xeerka ay soo diyaariyeen ayaa waxaa ku jira matalaada Aqalka Sare uu ku yeelan doono gobolka Banaadir, kaas oo markii ugu horeeysay laga siiyay 7 xubnood.

7 xubnood ee gobolka Banaadir laga siiyey Aqalka Sare ayaa waxaa lagu dooran doonaa habka 4.5 ee beelaha, iyada oo Aqalka Sare lagu kordhinayo xubno ka dheeri ah inta uu hadda yahay.

Sidoo kale 7 kursi ee Aqalka Sare laga siiyay gobolka Banaadir markii ugu horreysay ayaa waxaa go’aan ka gaari doono hoggaanka sare ee dalka, sidoo kale meel marintooda waxaa loo baahnaan doonaa wax ka bedal dastuurka oo laga rabo baarlamaanka labada Aqal.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ay ku jirtaa diyaar-garow ku aadan doorashada baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha ee 2020 illaa 2021-ka , iyada oo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu dhawaan sheegay in doorashada ay ku dhici doonto waqtigeeda.

Halkaan hoose ka daawo sawirrada:-

100479864_849373258885073_7822913485167132672_o 100991419_849373228885076_7444157061115412480_o 11

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this