Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda caafimaadka oo shaacisay kiisas cusub Oo Covid-19 Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay illaa 60 xaalado cusub oo COVID-19, waxaana cudurka ka bogsooday 21 qof, iyadoona ay sidoo kale geeriyoodeen 5 bukaan oo kale.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 53 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay ay rag yihiin halka 7-da kale ay yihiin haween.

32 ka mid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan-geliyay Jubbaland, Somaliland 18, gobalka Banaadir 6 iyo Galmudug 4 qof.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan-geliyay ayaa gaartay 1,976 waxaa bogsootay guud ahaan 348 ruux, halka 78 ruux oo kale ay u geeriyoodeen cudurka.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday muwaadiniinta Soomaaliyeed guud ahaan inay qaataan talooyinka caafimaad iyo wacyi-gelinta looga digayo qatarta cudurka, qaybta uga aadanna ay ka qaataan dadaallada ka hortagga iyo xakameynta Feyruska Karoona.

COVID-19-1

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this