Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda oo Cambaareeysay Qaraxii Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay qaraxii maanta ka dhacay duleedka magaalada caasimadda Muqdisho, ka dib markii qarax uu miino oo wadada la geliyey ay haleeshay gaari Caasi ah oo ku sii jeeday Magaalada Walanweyn ee gobolka Shabeellaha hoose waxaana wax ku noqday dad ka badan 21 ruux shacab Soomaaliyeed ah.

Qoraal kooban oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay dowladda ay tacsi  iyo tiiraanyada ay la qeysanayso qoysaska iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay qaraxa ka dhacay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose sida lagu yiri qoraalka.

Halkaan Ka Akhriso

Warsaxaafadeed.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this