Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo war kasoo saartay qaraxii maanta ee duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war qoraal ah kasoo saartay qaraxii maanta ay ku geeriyoodeen dad badan oo shacab ah kana dhacay wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Dowladda waxey sheegtay inay tacsi u dirayso ehalada dadkii ku geeriyooday falkaas, waxeyna falkaas, oo ay ku tilmaamtay arxan darro, ku eedeeyeen fulintiisa Xarakada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Ma jirto cid sheegatay iney ka dambeysay qaraxii maanta dhacay, balse falalka nuucaan oo kale waxaa looga bartay kooxda Al-Shabaab oo bartilmaameedsada gawaarida dowladda iyo kuwa AMISOM ee sida weyn u isticmaala wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA WASAARADDA:

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareynaysaa falka wuxuushnimada leh ee argagixisad ay ku gumaaday Shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoysaska iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii ku shahiiday weerarka bahalnimada ah ee kooxaha naf lacaariga ah ee ay ku qaadeen gaariga dadweynaha ee marayay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, dhammaan dadkaas shuhadada ah waxaan u rajeyneynaa inuu Alle siiyo naxariisto janno inta dhaawac ah Alle u boogo dhayo.

Falkan arxan darada ah wuxuu cadeyn u yahay sida kooxaha calooshood u shaqeysatayaasha ah ee ka macaasha daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed ay markasta ugu hamuun qabaan baabi’inta dadka si aan kala sooc lahayn.

Dowladda Soomaaliyeed oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed waxay ku rajo weyn tahay in guul laga gaaro dagaalka lagu soo afjarayo kooxaha argagaxisada, Diin laawayaasha ah ee danta ka dhex arkay bur burinta dadka iyo baabi’inta ummadda.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this