Deeq A. Posted May 31, 2020 Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda ay howlgallo ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi. Taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga Soomaaliyeed, Cabdixamiid Maxamed Dirir oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyey howlgalladaasi oo si gaar ah looga fuliyey tuulooyinka Buulo-Urunji iyo Busley, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Dirir ayaa shaaciyey in howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ay ku dileen ugu yaraan illaa 18 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay gubeen doonyo ay isaga kala gudbi jireen webiga Shabelle ee mara Janaale iyo degaanada kale ee gobolkaasi. Ugu dambeyn taliyaha ciidamada dhulka ayaa xusay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites