Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye waaxeed ka tirsan maamulka Dayniile oo la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaafadda Raadeelka ee degmada Dayniile waxaa maanta ka dhacay dil loo geystay Allaha u naxariistee gudoomiyihii Waaxda Halgan ee dagmadaasi, C/qaadir Fooldib Axmed.

Dilka waxaa geysatay xaaskiisa, kadib markii ay Toorey si gaadmo ah ugu dhufatay, isagoona markii dambe  dhaawac ahaan ugu geeriyooday isbitaalka.

Wararka ayaa sheegaya in xaaskiisa ay u dishay arrimo la xiriira Maseyr, kadib markii ay ku weerartay guriga xaaskiisii hore oo xilligaasi uu la joogay, si uu u booqdo caruur ay u dhashay marxuumka.

Ehellada Marxuumka ayaa sheegay haweeneyda falka dilka ah geysatay gacanta lagu hayo, islamarkaana sharciga la horgeyn doono.

Maalmahan dambe Muqdisho waxaa ku soo badanaya lamaanaha is-qaba ee falalka dilalka ah isu gaysanaya, waxaana tani ay muujineysaa mid halis ku ah bulshada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this