Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jubbaland oo shir ka daah-furay Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad gobolkeedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta Kismaayo ka furay shir lagu heshiisiinayo beelo dhawaan ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Shirkaan oo uu soo qaban qaabiyey maamulka Jubbaland ayaa waxaa goob-joog ah inta badan odayaasha dhaqanka labada beelood ee ku dagaalamay duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo, xildhibaano, wasiiro iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo madasha ka hadlay ayaa ugu baaqay odayaasha labada beelood inay dhaqan-geliyaan heshiiska ay wada gaareen.

Heshiiskaan ayaa soo af-jaraya dagaal beeleedyo sababay xiisado in muddo ah ka taagnaa qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this