Deeq A. Posted May 31, 2020 Madaxweynaha dowlad gobolkeedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta Kismaayo ka furay shir lagu heshiisiinayo beelo dhawaan ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Shirkaan oo uu soo qaban qaabiyey maamulka Jubbaland ayaa waxaa goob-joog ah inta badan odayaasha dhaqanka labada beelood ee ku dagaalamay duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo, xildhibaano, wasiiro iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan Jubbaland. Madaxweyne Axmed Madoobe oo madasha ka hadlay ayaa ugu baaqay odayaasha labada beelood inay dhaqan-geliyaan heshiiska ay wada gaareen. Heshiiskaan ayaa soo af-jaraya dagaal beeleedyo sababay xiisado in muddo ah ka taagnaa qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites