Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Najax oo qarixii Xaawa Cabdi ku eedeeyey Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali ( Najax ) ayaa si kulul waxa uu kaga hadlay qarixii dadka badan ay ku dhinteen ee maanta ka dhacay agagaarka isbitaalka Xaawa Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Najax ayaa u tacsiyadeeyey dadkii ku geeriyooday qaraxaas, isaga oo ku eedeeyay inay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu faray laamaha amniga ee degmada Afgooye iyo deegaanka Ceelasha Biyaha inay xoojiyaan amniga waddadaasi.

Qarixii saaka ka dhacay duleedka M/ Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhowaad illaa 6 ruux oo saarnaa gaari nooca ay Soomaalida u taqaano Hoomeyda ama Caasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this