Deeq A. Posted May 31, 2020 Xarakada Al-Shabaab ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegatay dilal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ka kala dhacay qeybo ka mid ah degmooyinka dariska ah ee Wadajir iyo Dharkenley ee gobolkaan Banaadir. Qoraalka Al-Shabaab oo lagu baahiyey boggaga Internet-ka ayaa waxaa lagu sheegay in dilalkaasi ay fuliyeen dagaalyahano ka tirsan kuwooda oo goobta ka baxsaday. Weerarka koowaad oo ka dhacay degmada Wadajir ayey Al-Shabaab shaaciyeen inay ku dileen mid ka mid ah howlwadeenada golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya , kaas oo ay magaciisa ku sheegeen Muxamed Mahdi Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegtay inay toogasho ku dishay labo askari oo ku sugnaa Dharkenley, waxaana midkood ay magaciisa ku sheegtay, Xuseen Cumar oo ka tirsanaa, sida ay baahisay ciidanka Booliska gaarka ah ee loo yaqaano Harmacad. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga dowladda ee ku aadan dilalkaasi ee ay dhabarka u ridatay Al-Shabaab. Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho ku soo badanayey falalka ammaan dari, gaar ahaan dilal qorsheysan oo siyaabo kala duwan todobaadyadii la soo dhaafay uga dhacayey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir. View the full article Share this post Link to post Share on other sites