Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliland oo Diiwaan Gelisay Kiisas Coronavirus Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Soomaaliland ayaa maanta oo ah Axad 31-05-2020 waxa ay sheegtay in deegaannadeeda laga helay kiisas la xiriira safmarka Coronavirus ka dib markii baaritaan lagu sameeyay dad looga shakiyay xanuunka oo gaaraya 1248 qof.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay  in cudurka COVID-19 laga helay 18 qof,  iyada oo sidoo kale shaacisay in xanuunka maanta ka bogsadeen 7 bukaan,  halka 24-kii saac ee la soo dhaafay uu hal ruux  u geeriyooday caabuqan.

Tirada guud ee ka bogsatay Coronavirus gudaha Soomaaliland ayaa ah 40 qof iyada oo guud ahaan xanuunkan ay u geeriyoodeen 20ruux.

Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 304 kiis.

No photo description available.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this