Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo oday da’ahaa ku toogatay fagaare ah ku yaalla gobolka SH/ HOOSE

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in shalay gelinkii dambe nin da’ahaa ay ku toogteen fagaare ku yaalla deegaan hoostaga degmada Qoryooley oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Abuukar Xaaji Cumar ayey Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu Sixiroole ahaa, islamarkaana uu ku shaqeysanayey muddo 5 sano ah.

Sidoo kale waxaa goobta lagu toogtay ninkaasi ku sugnaa qaar ka mid ah dadka deegaanka iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Marxuumka la toogtay oo caan ka ahaa gobolka Shabeelaha ayaa in muddo ah gacanta ugu jiray kooxda hubeysan ee Al-Shabaab, iyadoo maxkamad hoostagta ururkaasi ay horey ugu ridday xukun dil toogasho ah oo ugu dambeyn shalay lagu fuliyey.

Al-Shabaab ayaa had iyo jeer deegaanada ay maamusho ee koonfurta iyo bartamaha ka fuliso xukuno u badan dil, waxaana dadka ay toogato u jeedisaa eedyemo kala duwan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this