Deeq A. Posted May 31, 2020 Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay deegaanka Xaawa-Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee meelaha fog-fog laga hago ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu haleelay gaari Hoomey ah oo ay la socdeen dad shacab ah. Wararka ayaa sheegaya in gaariga uu ka yimid dhinaca Lafoole, islamarkaana ay la socdeen dad u badan ganacsatada Qudaarka keenta Muqdisho. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo u warramay Shabelle ayaa sheegay in khasaare u badan dhimasho uu ka dhashay qaraxaasi, islamarkaana uu haatan socdo gurmad ballaaran oo loo fidinayo dadka ay waxyeelada kala duwan ka soo gaartay qaraxaasi. Halkaan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-goobjooge-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites