Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo oday da’ahaa ku toogtay duleedka Qoryooley

Recommended Posts

Deeq A.   

Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla deegaan hoostaga degmada Qoryooley ee gobolka Sh/Hoose waxaa ay ku toogteen nin oday ah oo ay gacanta ku hayeen.

Ninkaas oo lagu magacaabi jiray, Abuukar Xaaji Cumar ayaa Al-Shabaab waxaa ay ku eedeeyeen in uu ahaa nin ku shaqeysan jiray Sixirka, waxaana fagaaraha lagu toogtay ku sugnaa qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Abuukar Xaaji Cumar ayaa caan ka ahaa gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana Al-Shabaab ay sheegeen in muddo 5 sano ah uu Sixirka ku shaqeysanayay.

Al-Shabaab ayaa horey waxaa ay goob fagaarayaal ah ku oogteen dad badan oo qaarkood ay ku eedeeyeen inay ahaayeen basaasiin u shaqeynayey dowladda shisheeye.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this