Deeq A. Posted May 31, 2020 Taliyaha ciidanka Xoogga Soomaaliyeed, Odawaa Yuusuf Raage oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ayaa ka hadlay dhalinyaradii lagu laayey deegaanka Gololey. Odawaa ayaa sheegay in ciidamada Xoogga dalku aysan wax lug ah ku laheyn falka xasuuqa ah ee ka dhacay deegaanka Gololey ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in baaritaano horudhac ah ay ku ogaadeen in falkaasi arxan darrada ahaa aysan ka dambeyn ciidamada milatariga Soomaaliya. Ugu dambeyn taliyaha ayaa carabka ku dhuftay inay wadaan howlgal dhacdadaasi ku aadan, islamarkaana natiijada ay la wadaagi doonaan shacabka Soomaaliyeed. View the full article Share this post Link to post Share on other sites