Deeq A. Posted May 31, 2020 Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay shir guddoomiyay kulamka joogtada ah xubnaha guddiga qaran ee xakameynta cudurka safmarka ah ee COVID19, kaas oo habeen walba si joogta ah u qabsooma. Shirka oo u qabsoomay hab muuqaal Internet-ka aha ayaa waxaa looga hadlay arrimaha caafimaad ee gobolada dalka, gaar ahaan Coronavirus iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa amray in gargaar caafimaad oo dheeraad ah si degdeg ah loola gaaro gobolladda dalka, si loo badbaadiyo dadka uu cudurku soo ridanayo. Horey ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay gurmad caafimaad oo kala duwan u gaarsiisay gobolada dalka oo laga helay kiisas ka mid ah cudurka faafa Coronavirus, sida magaalooyinka Cadaado, Kismaayo, Jowhar, Garoowe iyo deegaano kale. View the full article Share this post Link to post Share on other sites