Sign in to follow this  
Deeq A.

Saciid Deni Iyo Axmed Karaash Oo Aqbalay In La Dhex-dhexaadiyo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Garoowe)-Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in Isimada maamulka Puntland ay bilaabeen dadaalo lagu dhex dhexaadinayo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdillaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Karaash oo muddooyinkii u dambeeyay khilaaf u dhaxeeyay.

Saciid Deni iyo Axmed Karaash ayaa la sheegay inay aqbaleen dalabka dhex dhexaadinta Isimada, kaddib kulamo gaar gaar ah oo ay la qaateen, waxayna ogolaadeen sidii xal looga gaari lahaa khilaafkooda.

Kulamada ka socda magaalada Garowe ayaa waxaa qeyb ka ah xubno horay xilal uga soo qabtay Puntland, kuwaasoo dadaal ugu jira sidii loo soo afjari lahaa khilaafka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka

Isimada ku howlan dadalaada lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeya Saciid Deni iyo Axmed Karaash ayaa waxaa hoggaaminaya Garaad Saleebaan Garaad maxamed iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed.

Ma aha markii u horreysay ee khilaaf soo kala dhex galo Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa, waxaana khilaafkan uu ka dambeeyay, markii Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Karaash uu ka hor-yimid magacaabis uu sameeyay Madaxweyne Deni, kuna tilmaamay in aan lagala tashan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this