Sign in to follow this  
Deeq A.

War deg-deg ah: Gaari ay la socdeen shacab oo lagu qarxiyey duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay jidka dheere ee xiriiriya magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Sh/Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso uu haleelay gaari BL ah oo ay la socdeen ku dhowaad 25 qof, kuwaas oo waxyeelo ay soo gaartay.

Gaariga oo ka yimid dhinaca degmada Afgooye ayaa waxaa lagu soo warramayaa in qaraxa uu ku qabsaday agagaarka deegaanka Xaawa-Cabdi ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegaan Caasimada Online, waxaa khasaare u badan dhimasho uu soo gaaray rakaabkii saarnaa gaariga qarxay, waxaana sidoo kale jira dhaawac, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin inta uu la’egyahay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana socda gurma loo fidinaayo dadka ay waxyeelada ka soo gaartay miinadaasi kula qaraxday duleedka magaalada Muqdisho.

Faah faahinta kala soco:- Caasimada.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this