Sign in to follow this  
Deeq A.

Hal gabar oo ka bad-baaday gaarigii saaka qarax lagula eegtay Xaawo Cabdi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhowaad 10 qof oo shacab ah ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen, tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, kadib qarax saaka aroortii ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa qabsaday gaari nooca ay Soomaalida u taqaano Hoomeyda oo marayey halkaasi, waxaana saarnaa dad shacab ah oo u badnaa ganacsatada Qudaarta ka keenta degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

Guddoomiyaha deegaanka Ceelasha Biyaha oo wareysi siiyey mid ka mid ah Idaacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyey in qaraxaasi ay ka bad-baaday kaliya gabar yar oo ka mid ah aheyd rakaabka, islamarkaana dhammaan dadkii kale ee gaariga la socday oo gaarayey illaa 20 qof ay soo gaartay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay gurmad u fidiyeen dadkaasi, islamarkaana ay u soo qaadeen dhaawacyada daran isbitallada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Ma jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi, balse inta badan Al-Shabaab ayaa qaraxyo miino waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye kula eegata ciidamo dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Si kastaba ha’ahaatee ma’ahan markii ugu horreysay oo dad shacab ah uu qarax ku haleelo jidka dheer ee xiriiriya gobollada dariska ah ee Banaadir iyo Shabeelaha Hoose.

Halkaan hoose ka dhageyso codka guddoomiyaha Ceelaha Biyaha.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Cod-Qarax-.mp3

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this