Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Wadajir oo dalab xasaasi ah hor-dhigay Khayre kadib go’aankiisii doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir, islamarkaana uu hoggaamiyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa war cusub ka soo saaray hadalkii dhowaan ka soo yeeray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ee ahaa in waqtigeeda ay ku dhici doonta doorashada 2020/2021.

Qoraalka xisbiga Wadajir ayaa waxaa ugu horreyn lagu soo dhoweeyey go’aanka Ra’iisul wasaaraha ee ku aadan qabsoomida doorashooyinkaasi oo isugu jira baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Sidoo kale xisbiga ayaa ka dalbaday Khayre inuu hadalkiisa u bedalo ficil, isla markaana  xukuumaddiisa ay qaado tallaabooyin lagu abuuri karo jawi wada-hadal oo dhex mari karo madaxda dowladda federaalka iyo sidoo kale saamileyda siyaasadeed ee dalka.

Xisbiga Wadajir ayaa sidoo kale intaasi ku daray inuu dhiira-gelinayo fahamka Ra’iisul wasaare Khayre ee mudnaantiisu tahay doorashada iyo muhiimada ay u leedahay xasiloonida dalka in afartii sano mar la qabto doorasho la isku raacsan yahay.

Ugu dambeyn xisbiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku baaqay in meel looga soo wada-jeesto cid kasta oo carqalad ku ah doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya.

Halkaan hoose ka aqriso:-

Warqad.jpg

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this