Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabdho Soomaaliyeed oo ku dayacnaa Sacuudiga oo dalka lagu soo celiyay

Recommended Posts

Deeq A.   
gabdho-la-soo-ceshay.jpg?w=1000&ssl=1

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa waddanka Sacuudi Carabiya ayaa gelinkii dambe ee Shalay dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Muwaadiniintaas ayaa lagu sheegay gabdho Soomaaliyeed oo mudda ku dayacnaa dalka Sacuudi Carabiya kadibna ku xannibmay saamaynta xanuunka COVID-19  kuwaas ugu dambayn ay dowladda Federaalku ku guulaysatay in ay halkaas ka soo daad-gurayso.

Sidoo kale maalin ka hor waxaa dalka lagu soo celiyay in ka badan 130 muwaaddin Soomaaliyeed oo mudda ku xannibnaa gudaha Sacuudi Carabiya sida ay sheegtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa ku warrantay in soo celinta muwaadiniintaas ay ka dambaysay markii madaxweyne Farmaajo amray in la soo daad-gureeyo dadka Soomaaliyeed ee ku xanniban waddanka Sacuudiga.

PUNTLAND POST

The post Gabdho Soomaaliyeed oo ku dayacnaa Sacuudiga oo dalka lagu soo celiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this