Deeq A. Posted May 31, 2020 Xarunta Shirkadda SOMTEL ee dabku qabsaday Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegaya in saaka aroortii hore uu dab ka kacay, xarunta weyn ee shirkadda SOMTEL ku leedahay gudaha Boosaaso. Xarunta Boosaaso oo deggan guri dabaq ah, ayaa sida la sheegayo dab qabsaday qol ku yaalla qaybta dhexe ee dabaqaas, inkastoo markiiba la xakameeyay dabka, islamarkaan lagu guulaystay demintiisa. Shaqaale ka tirsan shirkadda SOMTEL qaybta Boosaaso, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in durbadiiba la bakhtiiyay dabka, isagoo xusay in khasaaruhu ku koobanyahay hal qol oo keliya. Balse, faahfaahin kama uu bixin waxa dabkaasi dhaliyay, qolka gubtay waxa yaallay iyo sidoo kale inta uu le’egyahay Khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay dabka. PUNTLAND POST The post Dab ka kacay xarunta shirkadda SOMTEL ee Boosaaso appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites