Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo xukun dil ah ku fulisay nin ku eedaysnaa Tafaaful

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamad ay leeyihiin malayshiyaadka Al-shabaab oo ka dhisan gobolka Shabeellada hoose ayaa laga soo xigtay in ay xukun dil ah ku fulisay nin lagu helay saaxirnimo.

Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa sheegtay in gelinkii dambe ee shalay xukunkaasi ka dhacay fagaare ku yaalla degaan hoos yimaada degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada hoose.

Al-shabaab ayaa xukunkaasi dilka ah ku fuliyay marxuum Abuukar Xaaji Cumar oo da’diisa lagu sheegay 50-sano jir kadib markii sida ay sheegeen lagu helay dambi saaxirnimo ah

Maxkamadda ayaa laga soo xigtay in marxuum Abuukar uu si cad u qirtay in uu mudda 5-sannadood ah ku shaqaysanayey tafaaful (sixir) islamarkaana uu dhibaato u gaystay dad badan.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo xukun dil ah ku fulisay nin ku eedaysnaa Tafaaful appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this