Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo saaka la kulmaya Isimadii dhex-dhexaadinta waday

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sida qorshaysan saaka oo Axad ah la kulmaya qaar kamid ah Isimada Dhaqanka Puntland oo ku hawllan dhex-dhexaadinta khilaafka isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan.

Isimada oo ay weheliyaan Guddoonka Baarlamanka ayaa saaka madaxweynaha kula kulmaya xarunta Golaha Wakiilada Puntland ee Caasimadda Garoowe si looga dhegaysto qaladaadka uu ka tirsanayo Madaxweyne ku xigeenkiisa.

Isimada dhex-dhexaadinta wada iyo Guddoonka Baarlamanka ayaa sidoo kale shalay la kulmay Madaxweyne ku xigeenka oo ay ka dhegaysteen qaladaadka uu tabanayo ee dhaliyay Muranka isaga iyo Madaxweyne Deni.

Dadaallo hore oo lagu doonayay xallinta Khilaafka labada Hoggaamiye ayaa fashil ku dhammaaday waxaana haatan Isimadu wadaan dadaalkii u dambeeyay si loo dhammeeyo isfaham-waaga Deni iyo Karaash oo gaarsiisan heer aysan salaanta iska qaadin.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo saaka la kulmaya Isimadii dhex-dhexaadinta waday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this