Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Wadajir oo taageeray hadal ka soo yeeray Ra’iisul wasaare Khayre

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga Wadajir, ee uu hoggaamiyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa soo dhoweeyey hadalkii Ra’iisul wasaare Khayre, oo muujiyay in ay Xukuumaddiisa ka go’antahay, in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo.

Xisbiga ayaa sheegay, in uu dhiirri-gelinayo Fahamka Ra’iisul wasaaraha ee mudnaanta siinaya, in afartii sanaba mar dalka ay ka qabsoonto doorasho loo dhanyahay, oo xasilooni ku dhacda.

Qoraal ka soo baxay xisbiga, ayaa sidoo kale loogu baaqay xukuumadda Khayre, in ay hadalka ficil u rogto, oo ay qaaddo tallaabooyin muuqda oo abuuri kara jawi wada-hadal dhexmara saamileeyda siyaasadda dalka, si looga wada-xaajoodo hannaanka doorashadu u dhacayso.

Qoraalka ayaa hoosta ka xarriiqay, in wakhtiga kooban ee xukuumadda u harsan, ay waajibtahay in ay qaado tallaabooyin deg deg ah oo dalka looga badbaadinayo qalalaase siyaasadeed, islamarkaana ay ka shaqayso in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto

wadajr.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Xisbiga Wadajir oo taageeray hadal ka soo yeeray Ra’iisul wasaare Khayre appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this