Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye ku xigeenkii hore ee NISA oo shaaciyey xog ku aadan dhacdadii Gololey

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka, Ismaaciil Daahir Cismaan ayaa isaga oo ku sugan Mareykanka wareysi uu siiyey Shabelle wuxuu kaga hadlay falkii lagu dilay 8 dhalinyaro ahaa oo lagu laayey deegaanka Gololey.

Ismaaciil Daahir ayaa sheegay inay suura-gal tahay in dhacdadaasi ay ka dambeeyeen Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in mas’uuliyiinta amniga deegaanka oo uu la xariiray ay u sheegeen inay tuhmayaan in falkaasi ay geysteen ciidamada dowladda, kadib markii halkaasi lagula eegtay qarax ay ku dhinteen 10 askari oo ka tirsanaa milatariga Somalia.

Ugu dambeyn taliye ku xigeenkii hore ee NISA ayaa dowladda Soomaliya ka dalbaday inay baaritaan dhab ah ku sameyso dadkii ka dambeeyey falkaasi arxan darrada ahaa.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Wareysi.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this