Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasiyiin badan oo ka fal-celiyey hadalkii Ra’iisul wasaare Khayre

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda mucaaradka ah ayaa ka fal-celiyey, hadalkii ka soo yeeray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo kulankii golaha wasiirada ka sheegay in waqtigeeda ay ku dhici doonto doorashada 2020 illaa 2021-ka.

Guddoomiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri:

Waxaan soo dhowaynayaa hadalka Raysal wasaare Kheyre uu ku balanqaaday in la qabto doorasho xiligeeda ku dhacda, la isku raacsanyahay, xasiloon saamilayda siyaasadeedna qayb ka yihiin, si loo ilaaliyo xasiloonada dalka iyo wadajirka ummada.

Waxaan kaloo bogaadinayaa fahamka ku aadan in doorashadu ay wax kasta oo kale ka muhiimsan tahay, mudnaana ka leedahay, maadaama ay lafdhabar u tahay xasiloonada dalka.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa yiri:

Waxaan soo dhaweynayaa hadalka ka soo yeeray Raisul Wasaare Xasan Cali Khayre ee tibaaxaya lagama maar-maannimada in dalka ay ka qabsoonto doorasho xiligeedii ku dhacda, lagana talo galiyo dhamaan saamileyda siyaasadeed, dalkana u horseedda daganaan iyo xasilooni siyaasadeed.

Waxaan Mudane Khayre iyo xukuumaddiisa ku dhiirigalinayaa kuna adkeynayaa inay ka dhabeeyaan mowqifkooda ku aadan arinkaas, dalkana u horseedaan geedi socod doorasho hufan oo qeyb ka qaadata dowlad dhisidda iyo dimuqoradiyeenta dalka.

Waa hubaal in ka shaqeynta arinkaas ay ku muteysan doonaan amaan iyo bogaadin.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa yiri:

Si taxaddar leh ayaan u soo dhoweynayaa soo jeedinta Ra’iisal Wasaaraha ee ah in ay doorasho ay isla oggol yihiin saamaleyda inteeda badan ay ku dhacdo xilligeeda.

Haddii uu Ra’iisal Wasaaruhu isla soo mutixi lahaa in doorashada dib loo dhigo, ugu yaraan waxaan hubaa in aad loo cambaareyn lahaa.

Sidaa darteed, waxaan qabaa in ay siyaasiyiintu muujiyaan soo dhoweyn oraahdan Dastuurka waafaqsan ee ah in doorashada la qabto xilligeeda.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this