Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibad-bax ka dhan ah Galmudug oo ka dhacay deegaanka Balanbale

Recommended Posts

Deeq A.   

Boqolaal dadweyne ah oo isugu jira dhalinyaro, haween, odayaal iyo caruur ayaa maanta dibad-bax ballaaran ka dhigay deegaanka Balanbale ee gobolka Galgaduud.

Dibad-baxayaasha oo ku qey-linayey erayo ka dhan ah maamulka Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa taayaro ku gubay waddooyinka waa-weyn ee deegaankaasi.

Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo u warramay warbaahinta ayaa waxa ay eedeymo culus u jeediyeen madaxda sare ee dowlad goboleedkaa Galmudug.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay aad uga xun yihiin qorshaha ka dhan ka ah Balanbale ee ay soo bandhigtay wasaaradda qorsheynta Galmudug, kuna saabsan mashaariicyo kala duwan oo ay tilmaameen inuu ku taageerayo ururka Midowga Yurub.

Xaaladda deegaanka Balanbale aya haatan ah mid kacsan, iyadoona banaan-baxaan uu sameeyey dhaq dhaqaaqa guud ee deegaankaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this