Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Galmudug oo gaaray magaalada Gaalkacyo + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta G/ Mudug.

Qoor-Qoor iyo wafdigiisa ayaa socdaal dhulka ah ku gaaray Gaalkacyo ,iyagoo soo maray maanta deegaanada kala ah Galinsoor, Bandiiradley iyo Saddex Hoglo, halkaas oo ay si weyn ugu soo dhoweeyeen bulshada ku nool deegaanadaas.

Madaxweynaha Galmudug iyo wafdigiisa ayaa boqolaal dadweyne ah kula hadlay garoonka kubadda Cagta ee C/laahi Ciise, wuxuuna u sheegay u jeedka socdaalkiisa.

Waa safarkii ugu horreeyay oo uu madaxweyne Qoor-Qoor ku gaaro magaalada Gaalkacyo, tan iyo markii xilkan loo doortay.

Halkaan hoose ka daawo sawirrada:-

WhatsApp-Image-2020-05-30-at-07.24.20.jp WhatsApp-Image-2020-05-30-at-07.24.21-1. WhatsApp-Image-2020-05-30-at-07.24.21.jp WhatsApp-Image-2020-05-30-at-07.24.22.jp WhatsApp-Image-2020-05-30-at-07.24.23.jp WhatsApp-Image-2020-05-30-at-07.24.24.jp WhatsApp-Image-2020-05-30-at-07.24.27-1. WhatsApp-Image-2020-05-30-at-07.24.27.jp

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this