Sign in to follow this  
Deeq A.

Sucuudiga Oo Albaabbada Dib Ugu Furaya Masaajidka Nebiga Ee Mediina

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Dawladda Sucuudiga ayaa laga bilaabo 31-ka bisha May oo ku beegan Axadda Berri Albaabada u furaysa Masaajidka Nebiga ee Magaalada Madiina.

Tallaabadan oo qayb ka ah Qorshaha ay Dawladda Sucuudigu ku yaraynayso Xanibaadihii lagaga gaashaamanayey Covid_19 ayaa waxa Shalay Ansixiyey Boqorka Sucuudiga, boqor Salmaan, sida uu Maanta baahiyey Telefiishanka Alcarabiya.

Laga bilaabo Salaadda Subax ee Axadda Berri, Dadka doonaya inay ku cibaadaystaan Masaajidka Nebiga ee Magaalada Madiina ayaa awoodi doona inay ugu tukadaan si jamaca, inkasta oo Tirada Dadka ku tukanaya la xadidayo, si looga digtoonaado Xanuunka Covid_19.

Masuuliyiinta boqortooyada Sucuudiga u qaabilsan Maamulka Masaajidka Xaramka iyo Masaajidka Nebiga CSW ee Mediina, ayaa qaaday Tallaabooyin lagaga Taxadarayo xanuunka Covid_19, waxaana Tallaabooyinkaa ka mid ah in Masaajidka laga saaray Roogaggii ku goglanaa, si Dadweynuhu ay dhulka ugu tukadaan.

Tallaabadan ayaa imanaysa xilli aan weli la furin Xaramka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this