Sign in to follow this  
Deeq A.

Meydka Danjirihii Jaamacadda Carabta Ee Soomaaliya oo Maanta Muqdisho Laga Qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa garoonka Aadan cade ee Magaalada Muqdisho salaadda jinaasadda kula tukaday  allah ha naxariistee maydka safiirkii jaamacadda carabta ufadhiyey Soomaaliya danjire Xaamud Samraan Alkuwait oo ku geeriyooday Muqdisho.

Allha ha naxariistee Meydka Safiirka ayaa loo qaaday dalka uu udhashay ee sacuudiga si loogu aaso waxaana madaxdii Sagootinta ka qaybgashay ay uga tacsiyadeen ehelada marxuumka,dowladda Sacuudiga iyo sidoo kale  Jaamacadda carabta oo uu Soomaaliya uqabilsanaa.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah danjire Axmed Ciise Cawud  iyo Wasiirka Gadiidka iyo duulista hawada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo ku hadlayay afka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi udiray shacab weynaha iyo Dowladda Sacuudiga geeridii ku timid allah ha naxariistee safiirkii jaamacadda carabta ufadhiyey Soomaaliya danjire Xaamud samraan Alkuwait oo ku geeriyooday Muqdisho.

“Dowladda Soomaaliyeed waxa ay ka tacsiyadeyneysaa geeridii naxtinta leh eek u timid allah ha naxariistee safiirkii jaamacadda carabta ufadhiyey Soomaaliya danjire Xaamud samraan Alkuwait oo ku geeriyooday Muqdisho “ sidaa ayay yiraahdeen masuuliyiinta dowladda Soomaaliya.

sidoo kale waxaa ku sugnaa Wasiiro ka tirsan Xukumadda federaalka Soomaaliya Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska iyo culuma,udiin .

Marxuum Danjire Xamuud Samraan Aljowhari Alxuweydhi oo ahaa ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta iyo Madaxa ergada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya ayaa fiidnimadii Sabtida, oo ku beegneed  23 May, 2020 ku geeriyooday hoygii uu ka deganaa Caasimadda Muqdisho.2b2eca7c-0006-41f6-8b9f-75892c62c127.jpg

7e9fe549-6b5c-487f-8a27-fd213d90f5ff.jpg

9fd9dc32-4d66-4668-aaaa-31096e1c81a8.jpg

25a52aea-8372-409d-a0fe-e65beb63e504.jpg

93308505-20d5-4b95-82ee-c2be94201ca4.jpg

eef7cfa2-3392-4a87-bb6e-f7fa44eea3d0.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this