Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka soo kordhay Khilaafkii Deni iyo Karaash?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karash, oo ay weheliyaan Guddoonka Baarlamanka, ayaa Galabta Xarunta Baarlamanka kula shirsan Isima ay hoggaaminayaan Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed.

Isimadan oo qorshahoodu ahaa in ay xalliyaan Khilaafka labada mas’uul, ayaa saaka la kulmay Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan, kaasi oo u ballan-qaaday in uu diyaar u yahay xal kasta oo lagu dhex-dhexaadinayo isaga iyo Madaxweyne Deni.

Balse, isimada ayaa markii ay ka tageen Madaxweyne ku xigeenka, waxaa u suurta-geli wayday in ay la kulmaan Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, si ay ugala hadlaan muranka u dhexeeya isaga iyo ku xigeenkiisa.

Isimada dhex-dhexaadinta wada, ayaa Galabta xarunta Baarlamanka kula shirsan Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoonka Baarlamanka, iyadoo weli aysan war ka soo saarin kulankooda.

PUNTLAND POST

The post Maxaa ka soo kordhay Khilaafkii Deni iyo Karaash? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this