Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Galmudug oo soo gaaray Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
12-1.jpg?w=1000&ssl=1

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta galinkii dambe soo gaaray Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdigiisa ayaa waxaa afaafka hore ee magaalada ku soo dhaweeyay xubno ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Galmudug.

13-1.jpg?w=1000&ssl=1

Madaxweynaha Galmudug oo hadal ka jeediyay garoonka kubadda cagta Koonfurta Gaalkacyo oo soo dhaweyn diiran loogu saamayay ayaa sheegay in safarkiisu yahay safar nabad iyo iskaashi, islamaarkaana uu Gaalkacyo u yimid in uu dhageysto baahiyaha iyo tabashooyinka reer Gaalkacyo.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa tilmaamay in Gaalkacyo ay tahay halbowlaha Galmudug uuna mudo joogi doono.

Hoos ka daawo hadalkii Madaxweyne Qoorqoor ka jeediyay Gaalkacyo.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Galmudug oo soo gaaray Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this