Deeq A. Posted May 30, 2020 Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qaraar ka soo saaray xaalada Soomaaliya, waxaana ay walaac ka muujiyeen diyaar-garow la’aanta doorashooyinka Soomaaliya iyo sidoo kale wada shaqeyn la’aanta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada qaarkood. Golaha ammaanku wuxuu go’aamiyay in taageero dheeraad ah la siiyo ciidanka AMISOM muddo 9 bilood ah, si ay taageeraan amniga hoggaanka doorashooyinka iyo sidoo kale taageerada ciidanka Soomaaliya illaa 2021-ka Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay dowladda dhexe iyo maamullada iskaashi deg-deg ah si loo qabto doorasho lagu wada qanacsan-yahay. “Goluhu isagoo ku celcelinaya baahida degdegga ah ee loo qabo in la sameeyo iskaashi buuxa oo dhexmara Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka, Goluhu wuxuu ugu yeeray labada dhinac inay horumar dheeri ah ka sameeyaan xilliga kala guurka, isagoo ku booriyay inay qaadaan tillaabo la taaban karo oo ay ku fulinayaan tallaabooyinka mudnaanta leh ee lagu qeexay Nidaamka La-xisaabtanka Wadaagga ee 2019-ka. Tallaabooyinka waxaa ka mid ah: gaaritaanka go’aan siyaasadeed oo loo wada dhan yahay oo ku saabsan wadaagidda awoodda iyo Kheyraadka; dib u soo celinta kulamadii caadiga ahaa ee Golaha Amniga Qaranka iyo dardargelinta qorsheynta farsamada iyo amniga ee doorashooyinka” Warka ka soo baxay golaha Ammaanka ee QM ayaa ku soo beegmaya xilli muddo fog aysan wax wadahadal ah yeelan Jubbaland, Puntland iyo dowladda dhexe. View the full article Share this post Link to post Share on other sites