Sign in to follow this  
Deeq A.

“Hadii aan xidhi karo Shirkada Twitter waan Xirayaa!” Madaxweyne Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-New York)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sare u sii qaaday weerarka afka ah ee uu la beegsanayo shirkada Twitter, isagoo sheegay in hadii sharciga u fasaxayo uu xidhayo shirkadaasi oo uu sheegay inay “Afka-heyso” taageerayaashiisa iyo dadka la fikirka ah.

Trump ayaa toddobaadkan ka cadhooday kadib markii Shirkada Twitter ay bilowday in farriimaha BEENTA ah ee uu Trump twitter ku qoro ay raaciso lifaaq ama Link wata xog (Fact Check) dheeraad ah oo lagu beeninayo beenta uu faafiyo Madaxweynaha Maraykanka.

Donald Trump oo shir jaraa’iid uu qabtay ku saxeexay sharci cusub ama dikareeto Madaxweyne oo uu sheegay in lagu xakameyn doono shirkadaha leh Shabakada Baraha-Bulshada, ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuuba gebi ahaan XIDHO shirkada Twitter.

Trump ayaa yidhi “waxaan eegayaa in sharciga awood iisiinayo waxaana la tashanayaa Qareemadeyda…”

Waa hanjabaadii ugu dambeysay oo uu Trump u dirayo shirkadaha iyo mulkiilayaasha Baraha Bulshada xili uu olole ugu jiro doorashada dhici doonta Bisha November oo uu ka cabsi qabo in lagaga guuleysto.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this