Sign in to follow this  
Deeq A.

Sirdoonka Israa’iil Oo Xidhay Imaamka Weyn Ee Masaajidka AL-AQSA

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Qudus)-Saraakiisha sirdoonka Israa’iil ayaa Jimcihii gurigiisa oo ku yaalla Bariga Qudus ka xidhay imaamka weyn ee Masaajidka Al-Aqsa, Sheikh Ekrima Sabri.

“Cutub ka mid ah sirdoonka Israa’iil ayaa weeraray guriga Sheikh Ekrima, waxayna ku wargeliyeen inuu xidhan yahay,” waxaa sidaas wakaaladda wararka ee Anadolu Agency u sheegay qof ka mid ah qoyska Imaamka.

Qofkan oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa intaas ku daray in imaamka loo kaxeeyey saldhigga booliska al-Qashla ee Galbeedka Qudus, halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayey.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta ay ciidamada Yahuudda u xidheen Sheikh Ekrima.

Bishii January, mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa go’aansaday in Sheikh Ekrima ka mamnuucaan inuu galo Masaajidka Al-Aqsa, muddo afar bilood ah.

Israa’iil ayaa qabsatay Bariga Qudus, oo Masjidka Al-Aqsa uu ku yaalla, intii lagu guda jiray dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967-kii.

Wixii markaas ka dambeeyey, Masaajidka ayaa mar walba ahaa mid Israa’iil ay sida ay doonto ay ka yeelato, iyada oo xidha xilliga ay doonto, kana mamnuucda ciddii ay doonto.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this