Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey qaraxyo ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya lagula eegtay gobolka Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya weeraro loo adeegsaday qaraxyo oo markale lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo ku socdaalayey duleedka degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay.

Qaraxyada oo miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu kadib xigay dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamadaasi iyo dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadaasi iyo dagaalka xigay uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo war ka soo saartay weeraradaasi ayaa sheegtay in ugu yaraan illaa afar qarax ay la eegatay ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM , islamarkaana ay ku gaarsiisay khasaare xoogan, sida ay hadalka u dhigay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarada ka horreeyey.

Sidoo kale Arbacadii la soo dhaafay ayey aheyd markii sidaan oo kale ciidanka Itoobiya  qaraxyo lagula eegtay duleedka Bardaale, xilli ay ka soo amba-baxeen degmadaasi.

Al-Shabaab ayaa had iyo jeed weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada huwanta, xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this