Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo dalka ku soo celisay in ka badan 130 muwaaddin oo ku xayirnaa Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Diyaarad sidday 132 Mawaadiniin Soomaaliyeed oo mudda ku xayirnaa dalka Sacuudi Carabiya ayaa xalay ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dadkaas ay xalay diyaaradu keentay ay u badnaayeen haween iyo caruur waqti dheer sugayay in dib dalkooda loogu soo celiyo balse safarkooda uu saameeyay xanuunka COVID-19.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la sheegay in uu amray in dadkaas dalka lagu soo celiyo kadib markii lagu soo war geliyay in gudaha Sacuudiga dhib ku haysto.

Sidoo kale maalmaha soo socda waxaa la filaa in ay dalka yimaadaan ilaa afar duullimaad oo kale kuwaas oo muwaadiniin Soomaaliyeed ka soo qaadi doonta waddanka Sacuudiga.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo dalka ku soo celisay in ka badan 130 muwaaddin oo ku xayirnaa Sacuudiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this