Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Khayre oo muujiyay in ay ka go’antahay in doorashada wakhtigeeda lagu qabto

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa markii u horraysay si cad u soo bandhigay mowqifkiisa ku aaddan doorashada madaxtinimada dalka iyo wakhtiga ay tahay in la qabto.

Muuqaal Khamiistii laga duubay Ra’iisul wasaare Khayre oo la shirayay Golihiisa Wasiirada balse dib laga baahiyay ayuu ku muujiyay sida ay uga  go’antanay in dalka ay doorasho ka dhacdo islamarkaana aysan jirin wax mudda kororsi ah.

Ra’iisul Wasaare Khayre wuxuu sheegay in muhiim tahay in dalka doorasho ka dhacdo nooca ay doonto ha u dhacdeen isagoo xusay in waddanka afartii sanaba mar ay doorasho ka dhici jirtay sidaas darteedna loo diyaar garoobo doorashada soo socota.

Mudane Khayre ayaa sidoo kale Golihiisa Wasiirada u sheegay in laga doonayo in ay ka shaqeeyaan sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho loo dhanyahay oo xasiloon nooca ay doontaba ha u dhacdeen waxaana hadalkiisu muujiyay in uusan ku qanacsanayn hannaanka doorashada Qof iyo Cod.

Hadalka Ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo beegmay xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in madaxweyne Farmaajo iyo Mr Khayre ay ku kala aragtid duwan yihiin hannaanka doorasho ee ay tahay in dalku aado.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu doonayo in mudda kordhin la sameeyo kadibna dalku galo doorasho qof iyo cod ah balse Ra’iisul wasaaruhu doonayo in doorashada wakhtigeeda lagu galo islamarkaan aysan suura-gal ahayn qof iyo cod.

Halkaan ka daawo hadalkiisa

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Khayre oo muujiyay in ay ka go’antahay in doorashada wakhtigeeda lagu qabto appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this