Deeq A. Posted May 30, 2020 Donald Trump oo ka dhabeeyay hanjabaaddii hay’adda WHOMadaxweyne Trump Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu soo afjaro xiriirka waddankiisa kala dhaxeeyo Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO. Madaxweynaha ayaa WHO ku eedeeyay iney ku guul- dareysatay in Shiinaha ay ku cadeyso inuu ka dambeeyay faafidda fayraska corona. ”Shiinaha ayaa maamula hay’adda WHO” ayuu yiri madaxweynaha markii uu ku dhawaaqayay tallaabooyinka lagu ciqaabayo xukumadda Beinjing. ”Xukuumadda Washington waxay kharashaadka ku baxa WHO u weecin doontaa hay’adaha kale,” ayuu yiri Trump. Mareykanka ayaa kharashka ugu badan hay’adda ku bixiya oo sannadkii 2019-kii waxa uu WHO ku kharash gareeyay aduun lacageed oo ka badan afar boqol oo malyan oo doolar ($400m). Trump oo u ololeeynaya dib u doorashadiisa ayaa lagu dhaleeyay qaabkii uu ula tacaalay fayraska corona oo ay dalkiisa ugu dhintee dadka ugu badan dunida balse waxa uu dhaleecayn dusha kaga tuuray Shiinaha isagoo ku eedeeyay iney qariyeen dilaacidda fayraska corona. Muxuu yiri Truump? “Maanta waxaanu joojinineynaa xiriirkii nagala dhaxeeyay hay’adda WHO, kharashaadkii ku bixi jirayna meelo kale ayaan u weecineynaa,” ayuu yiri Trump isagoo ku sugan Aqalka Cad. “Dunida haatan waxay la daalaa dhaceysaa dhibaato uu Shiinaha horseeday,” ayuu yiri. Waxa uu intaasi ku daray in Shiinaha uu WHO cadaadis ku saarayay si ay dunida u marin habaabiso. Muxuu salka ku hayaa Khilaafka WHO iyo Trump? Madaxweyne Donald Trump ayaa WHO ku eedeeyay inay ku guul darreysatay inay Shiinaha kula xisaabtanto xakameynta coronavirus, ka hor inta uusan gaarin heer uu bani’aadanka isaga kala gudbo. Cudurkan ayaa markii hore ahaa mid xayawaanka kaliya ku eg. Shiinaha ayaa markii hore ku wargaliyay WHO in “neef qabatoonka uu qabowga sababo uu yahay kiis noociisa la fahmi waayay oo la arkay 31-kii bishii December”. 5-tii bishii January, waxay hay’addu sheegtay in xogta ay xilligaas ka heysatay Shiinaha ay muujineysay in “aan caddeyn loo heynin inuu xanuunka isagala kala gudbi karo bani’aadanka”. 14-kii January, waxay hay’addu barteeda Twitter-ka kuwoo qortay in baaritaannadii ugu horreeyay ee laga sameeyay Shiinaha “ay caddeymo sax ah u heli waayeen in bani’aadanka ay isqaadsiin karaan” fayraska cusub. Hase yeeshee, isla maalintaas, guddiga caafimaadka ee magaalada Wuhan ayaa sheegay inaan gabi ahaanba meesha laga saari karin in fayrasku uu dadka iskaga kala gudbi karo, inkastoo ay hoosta ka xariiqeen in khatarta ku saabsan arrintaas ay hooseysay. Maalmahaas gudahooda, warbixin kale oo ay soo saartay WHO ayaa lagu sheegay inay suurtagal tahay inuu soo baxo cudur bani’aadanka isaga kala gudba, waxaana loola jeeday xanuun ka mid ah kuwa ay sababaan fayrasyada coronavirus, sida cudurka horay loo yaqaannay ee SARS. Ugu dambeyntiina, 22-kii bishii January, koox ka socotay WHO oo booqasho gaaban ku tagtay Shiinaha ayaa xaqiijisay in magaalada Wuhan uu ka dillaacay cudur bani’aadanka ay kala qaadi karaan. Hay’adda WHO ayaa Shiinaha ku amaantay sida uu ula tacaalay cudurka dillaacay Wafdi dhammeystiran oo ka ay dirtay WHO, ayna ka mid ahaayeen khubaro caalami ah ma tagin Shiinaha ilaa laga gaaray isbuucii labaad ee bishii February. Dabayaaqadii bishii January, mas’uuliyiinta WHO ayaa dowladda Shiinaha ku amaanay sida ay ula tacaashay Shiinaha, iyo inay “dhabta ka sheegeysay”. Mareykanka ayaa horay u sheegay iney hayaan cadeeymo waaweyn oo muujinaya in coronavirus uu ka soo unkamay sheeybaar ku yaalla magaalada Wuhan oo ah halkii uu markii hore ka soo bilowday xanuunkan saf-marka ahi dabayaaqadii sannadkii tagay. Haseyeeshee Shiinaha ayaa si kulul uga jaawaabay hadalka ka oo yeeray Mareykanka isagoo ku tilmaamay inuu hadalkaasi yahay mid waalli ah oo aan laga fiirsan. Maxay sameysaa WHO? Hay’addan oo la aasaasay sanadkii 1948-kii waxay hoos tagtaa Qaramada Midoobay, waxayna mas’uul uga tahay Caafimaadka Guud ee Adduunka, diyaarinta ol’olayaasha tallaalka cudurrada iyo caawinta waddamada u baahan adeegyada caafimaad ee aasaasiga ah. Dhaqaalaha soo gala wuxuu igu jiraa tabarucaad isxilqaamid ahiyo kharash laga qaado dalalka xubnaha ka ah ee ay tiradoodu tahay 194, Mareykanka ayaana kaligiis bixiya lacagta ugu badan. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites