Sign in to follow this  
Deeq A.

UNICEF oo war-saxaafadeed ka soo saartay dhacdadii Gololey

Recommended Posts

Deeq A.   

Warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa lagu muujiyay sida ay uga walaacsan tahay falalka isugu jiray afduubka iyo dilkii loo geystay todoba qof oo shaqaale caafimaad ahaa iyo qof kale oo rayid ahaa oo ku sugnaa xarun caafimaad oo ku taalla tuulada Gololey ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

UNICEF ayaa dhacdadaasi sheegtay in aan la aqbali karin, islamarkaana ay tahay mid xadgudub ah oo ka dhan ah sharciga caalamiga ee arrimaha bani’aadanimada iyo hab-dhaqanka caadiga ah.

“Waxaan ka naxnay afduubka iyo dilidda toddobo shaqaale caafimaad ah oo joogay xarun caafimaad oo ku taal koonfurta Soomaaliya, Bartilmaameedsiga shaqaalaha daryeelka caafimaadka ayaa si weyn xadgudub ugu ah sharciga caalamiga ah waxayna u horseedi kartaa dambi dagaal. Weeraradan foosha xun waxay faragalin ku hayaan ilaalinta aasaasiga ah ee caafimaadka iyo in dambiilayaashu lala xisaabtamo” ayaa lagu sheegay War kasoo baxay UNICEF

Warka UNICEF ayaa intaasi kusii daray “Shaqaalahan caafimaadku waxay ahaayeen geesiyaal waxa ay bixin jireen daryeel nafo lagu badbaadiyo carruurta iyo qoysaska”

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this