Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF oo dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin ku xayirneyd Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Diyaarada Daallo oo sida 132 muwaadiniin Soomaali ah oo muda ku xayirnaa dalka Sacuudi Carabiya ayaa xalay ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee M/Muqdisho.

Muwaadinidiin diyaaradu keentay waxa ay u badnaayeen haween iyo caruur waqti dheer sugayey in dib dalkooda loogu soo celiyo, waxaana safarkooda soo noqoshada saameeyey cudurka safmarka ah ee dunida oo idil kala xiray ee Covid-19.

Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  oo ka duulaya dhibka haystay muwaadiniinta ayaa amray soo daad gureynta dadkani oo u badan kuwa nugul

Maalmaha soo aadan waxaa dalka Sacuudiga ka imaan doono ilaa afar duulimaad oo kale oo sida muwaadiniin kale.

Halkaan hoose ka daawo sawirrada:-

7197de72-7e98-44c6-b248-8bac8364ed19-1.j7197de72-7e98-44c6-b248-8bac8364ed19.jpg09114ab5-71ef-41fc-beec-0742608232c3.jpgcb293955-2e4d-4ca0-ad7d-8f4ab63ddc67.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this